Medborgarkontor (Xafiiska Muwaadiniinta)

Halkan Medborgarkontoren (Xafiiska Muwaadiniinta), waxaad ka heli kartaa jawaabaha su’aalahaaga khuseeya hawlaha iyo adeegyada bulshada
Deegaanka Växjö.

Waxaad booqan kartaa Medborgarkontoren (Xafiiska Muwaadiniinta) si aad uga heshid macluumaad hawlaha kala duwan ee Deegaanka Växjö, sida, dugsiga barbaarinta, dugsiga iyo daryeelka waayeelka. Waxaanu sidoo kale kaa caawin karnaa faahfaahinta lagala xidhiidhayo qofka kuhaboon ee deegaanka.

Sidoo kale, waxaanu kaa caawin karnaa macluumaadka iyo halka lagala xidhiidhayo masuuliyiinta, haayadaha, shirkadaha iyo ururada.Halkan Medborgarkontoren (Xafiiska Muwaadiniinta), waxaad ka raadin kartaa jawaabaha su’aalahaaga koomiyuutaro, akhrin kartaa wargeysyo iyo waraaqo, caawimo ka heli kartaa codsiyada nuganada, foomamka iyo qaar kaloo badan.

Waxaanu rabnaa inaan ku siino adeega gaara oo fiican oo aan kaa caawino dhankasta oo aan awoodno si aan u helno dhankaaga bulshada iyo si aan u ogaano xuquuqdaada iyo waajibaadkaaga markaad ku nooshahay Iswiidhan.
Halkan Medborgarkontoren (Xafiiska Muwaadiniinta), waxaad fursad u leedahay inaad kula kulantid lataliyayaasha bulshada ee khibrada leh ee Deegaanka Växjö kuwaasoo ku hadla Iswiidhish, Soomaali, Carabi, Dari, Urdu iyo Ingiriisi.

Waxaad nagalasoo xidhiidhi kartaa tilifoonka 0470-436 38 ama iimayl medborgarkontoret@vaxjo.se

Ciwaanada booqashada iyo saacadaha uu furan yahay

Växjö
Hjalmar Petris väg 4 (Tallgården)
Isniin, Arbaca, Khamiis laga bilaabo 10.00-15.00
(xidhan qadada 12.00-13.00)
Salaasa 13.00-19.00
Jimce 09.00-13.00

Senast uppdaterad: 21 February 2024